Aduun.com

Gabdhaha somaliyeed Iyo Gabdhaha Sudaan Maxaa Kala Heysta Xaga Dhaqanka

Aduun kaan aanu ku nool nahay dal walba dadkiisa dhaqan u gaar ah ayuu lee yahay umad walbana dhaqan kooda ayaa lafiican waa ay layaban dhaqanka kale ee umada kale ama dalalka kale ay tagan ay ku arkaan hadaba arin layaab badan ayaa waxay ku dhacday Gabdho soomaali ah oo ku dhaqan dalka sudaan una jooga hal kaas wax barasho heer jaamac ah ayaa arin aad ay ula yabeen ay ku arkeen dumarka kale ee dalka sudaan u dhashay waxayna tahay arinka gabdhaha soomaaliyeed cilaanka waa ay iska marsadaan hadii laqabo iyo hadii ayaba yahiin gabar ee aan wili laguursan ama laqabin

Lakiin gabadha dalka sudaan u dhashay sidaas ma’ahan ee marka ay guursadaan ayey marsadaan cilaanka ama xiniga qofba sida uu ugaranaayo ama uu u yaqaano gabadha aan wili guursan ee dalka sudaan u dhalatay mamarsato lakin marka ay gursato waa ay barsataa maalin maalmaha kamid ah ayaa gabadho soomaali ah iyo gabadho kale ee sudaan ah ayaa goob ku wada kulmay gobtaas ayaa waxay aheed maqaayad cuntada lagu gado gabadhaha soomaalida qaar kamid ah ayaa waxaa u sarnaa cilaanka ama xiniga gababadhaha sudaanta ah ayaa u yimid gabadhaha kale ee soomaalida ah waxay su’aleen aroos miyaad tahiin mise waad guursateen oo gabadho laqabo ayaad tahin

Gabdhaha soomaalida ah ayaa u sheegay gabadhaha sudaanta ah in aysan wili guursan oo ay dalka sudaan ay u jogaan wax barasho oo ay wax ka bartaan jaamacad ay ka dhigtan markaas ayaa waxay gabadhaha soomaalida ay su’aleen waxa ay u way diyaan arooska gabdhaha sudaanta ah ayaa waxay dhaheen gabadha guursato oo kaliya ayaa dalneenka cilaan saarato iyo tan laqabo dhaqan keena sudaanka ah ayaa sidaas ah waxayan shegeen in markii hore ay yabeen cilaanka marka ay ku arkeen gabdhaha soomaalida ah

Dal walba dhaqan iyo astaan u gaar ah ayuu lee yahay dhaqanka shacabka soomaaliyeed ay lee yahiin ayaa ah dhaqanka ugu wanaagsan aduunka intiisa kale dhaqanka soomaaliyeed ayaa intiisa badan waa faqsan diinta muslimka ah waana dhaqan sharaf iyo wanaag badan leh qadarin iyo sharaf gaar ah wata waa in aanu ilaalinaa meel walba aanu ka jokno aduunka maalin ayaan u laaban donaa dalka hooyo afka iyo dhaqanka iyo diinta muslimka waa in aan ku dhagnaa oo aanu wada ilaashanaa inshaa allah Dhamaad

Xasan Wadani
Aduun.com
Qaahira’Masar
xasanraawi@hotmail.com

Like :-)669

Post to Twitter

Short URL: http://aduun.com/?p=2574

Posted by on Jan 25 2012. Filed under News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Gabdhaha somaliyeed Iyo Gabdhaha Sudaan Maxaa Kala Heysta Xaga Dhaqanka”

  1. Masha allaah weeye dhaqanka in la illaal shaaa halagu dadaalo luuqadeena af somaliga ah iyo diinta islaamka

  2. walhiy wa ruun wax ee hada ila jaagan suudanta canada wan ruun siida sheegatay bro kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa jahliiy niimo wax ciilan ah oo dhaqaan laga dhiigato

Qormadaada

Photo Gallery