Qiso Murugo Badan, Gabar 3 Cunug Xoog Looga Dhalay.

Arin aad u murugo badan oo wadata calol xumo badan ayaa waxay ku dhacday Gabar aabaha dhalay lagu hor dilay hooyadii dhashayna lagu hor kufsaday kadibna ayadii lawaday gabadhii nafsan ahaan teeda Qisadaan ayaa waxay dhacday 1-aad Bishii gabadha magaceda waa ay ka xishootay in ay sheegto ama ay xusto lakin qisada ku dhacday oo kaliya ayey sheektay
Agoosto ee sanadkii 1994-kii sheekada gabadha ku dhacday ayaa waxay ku bilabeysaa sidaan soo socota Waxaan ahaa 16 jir markii uu dagaalka ka qarxay magaaladda Muqdishu, waxaan ahaa gabar maqabiyo ah oo aan gurigooda ka soo bixin ilaa markii aan jirey 7 sano, waxaana ka koobneyn 6 caruur ah oo ila dhalatay iyo hooyo iyo aabe reerkeena waa uu ladnaa oo waxaa lahaan jirnay dhawr dukaan oo ku kala yaaleen inta u dhaxeysa Ceel gaabta iyo Hotel 900 (Bar Noba Jante) ee agagaarka Masjidka Marwaas markii ay dagaaladda dhaceen, oo dhibaatada badan loo geysanayey dadka aan beelahooda hubka heysan wuxuu qoyskeegii noqoday mid ka mid ah qoysaska dhibaatadii ugu weyn neyd loo geystay
Xiliga ay tahay Galab ayaa waxaa gurigeena oo ahaa sedax dabaq kuna yaalay agagaarka Koodka noogu soo galeen koox maleeshiyo ah oo ka kooban ilaa 10 qof waxey irida banaankeeda ka soo bilaabeen in ay xabado guriga ku soo ridaan
dhinacyadana waxey u ridayeen xabado kale alow nabad bad baadi ayaan dhaheenay waxaan na soo wajahday cabsi tii ugu darneed
Murugo iyo oohin aan iska kalnay waxaan aduunka maleeshiyadii 5 ka mid ah ayaa markiiba guriga horey u soo galeen 5 tii kalana banaanka ayey ku sugaayeen si ay difaac ugu sameeyaan kuwa guriga soo galay ugu horeyn waxey baas ku fureen walaalkeyga oo ahaa da’da kaliya oo iga weyn curadka aabeheey ahaa lakin aysan hooyadeey dhalin si xun ayey u dhaawaceen isagoo dhiig baxaaya ayuu kushiinka aktiisa ku rafanayay ka dibna hooyadey ayaa naxdin dhulka ugu dhacday waana isku dhax yaacday waxey shegeyso iyo wax kale ayeyna ku wareertay oo waa ay u qaadan weesay waxa dhacaaya ama tagnaa xiligaas Dhamaad Qebta Kowad Filo Mar Dhaw Qebta Labad ee Qisadaan
Xasan Wadani
Aduun.com
Qaahira’Masar
xasanraawi@hotmail.com
Short URL: http://aduun.com/?p=2581






















Hee saan mexe eheed shekada xogohoo dheer kadhiga hadi lakala qeybiye xitaa