Qiso Murugo Badan Leh Sidex Caruur Ayaa Waxaa Ku Dhalay Guur La’aan Si Xoog Ah Qeybta 2
Qisadii aad ka u murugada badneyd ee ku dhacday gabadhii abaheed lagu hor dilay hoyadeedna lagu hor kufsaday Qebta Labaad waye kooxdii waxey qori baadkiisa ku garaaceen aabe waxeyna waydiiyeen inuu sheego meesha lacagta keydka iyo dahabka ugu jiraan aabe si uu naftiisa u badbaadiyo ayuu u sheegay meelihii wax keyd ah noogu jireen oo dhan waloow ay tuugadaasi arxanka darnaa ay aabeheey ka qaateen dhamaanba furayaashii ka dibna gurigii oo dhan dhaceena
Waxii yaalay oo dhan in ka badan $60,000 Kaasha ah iyo dahab kiilaad ah oo aad u badan hadana kuma aysan qancin oo waxey aabe ku cadaadiyeen inuu sheego lacag iyo dahab kale markii uu u sheegay in aysan jirin meel ay wax lacag ama dahab ah ugu jiraana waxey ku dhaheen Ashahaado markii uu ashahaatayna waa ay dileen waxey xabada kaga dhufteen wejiga iyo caloosha ka dibna isagoo rafanaayo ayey ka dhaqaaqeen aniga ayey i wadeen xoog ayey igu wadeen aniga oo qeeli naayo oo onaayo ilintana ay iga dadaneeso
Inta ay qeyb tuugada ka mid ah ay dilayeen aabaheey qaar kale waxey faraxumeyn ugu dhaqaaqeen hooyadeey macan anigana indhaha garbasaar ama maro aan watay la iiga xiray ayaa lay saaray gaarigii ay tuugada saarnaayeen oo hoos yaalay waxeyna ii sheegeen in aanan hadli Karin hadii aan ooyana ay i dilayaan qof waalidkiisa la dilay walaakiis la dilay hooyadii hortiisa lagu faraxumeynayo isagana afduub gaari loo saartay sababta uu u oon waayo aniga magaranaayo laakiin oohintii oo aan ceshan waayey darted waa yara miir beelay waxaana ku dhacay gaarigii dhax diisa oo waxaan ahaa qof miirka oo dhan ka tagay ama uu ka maqan yahay
Dadka deriska ah waa ay ogaayeen waxa nagu dhacayo mana jirin qof wax gurmad ah noo sameeyay waloow ay jireen dad ka xun waxa nagu dhacaya hadana nooma aysan tageerin oo wax gar gaar ah nooma fidin Aniga sidii la ii waday waxaa la igeeyey guri weyn oo meel walba ay ka fadhiyaan tuugada loo yaqaano mooryaanta waxaana la ii sheegay in saacadaas laga bilaabo aan afduubanahay xitaa ma fahmi Karin waxa loola jeedo Afduub maxaa yeelay Af Soomaaligaba dhib ayuu igu ahaa waayo maqabiyo aan dadka la sheekeysan oo keligeed qol ku jirta ayaan ahaa dhibka dhib kiisa lagu sii daray ayaan dareemay wax aan sameeyana magaranaayo xalada waa midii ugu xumeed talo iyo taak mahaayo oohin iyo fiiris lee iga soo haray aniga
Markii gurigii lay keenay waxaa bilaabatay shuux shuux iyo war hoos hoos ah iyo in faraha laygu soo taag taago qaar aa bilaabeen in ay dhahaan (Caawo Gaal aa god iigu jiree garuun haleykeeno) waxaa la is weydiinayaa goorta kawaanka la I saarayo dabley kasta wuxuu jeclaan lahaa in mar lee uu maqlo waa la kufsanayaa si feelka dhiniciisa uga soo galo laakiin ninkii kooxdaasi tuugada madaxa u ahaa ee aahabeey dilay hooyadeey soo faraxumeeyey wuxuu go’aansaday inuu keligiis i heysto oo nimanka kale aysan ii soo dhowaan oo asiga kaliya xoog igy heesto
Habeenkii ugu horeysay ee aan ka wal wal sanaa sida xaaladeyda noqoneyso iyo waxa ay reerkeyga ku sugan yihiin iyo meeydkii aabaheey meesha lagu lagu dyygay ama lagu aasay walaalkey inuu dhintay iyo inkale hooyadeey waxa gaaray ayaa anigiina waxaan wajahay dhibaato weyn lakin waan is diyaariyey oo waxaan niyeystay in aan wajihi doono kufsi iyo dil maxaa yeelay qof xoog loo sheegtay oo lagu soo ka xeestay ayaaba ahee
Ninkii madaxa tuugada ahaa wuxuu meel dhigtay derin, wuxuuan so oak dhigtay bac ay ku jiraan caws badan wuxuuna igu yiri kaalay, markii aan u tagayna wuxuu ii sheegay in aan xaaskiisa ahay hadaan diidana uu i dili doono, isla habeenkii ayuuna wuxuu igu amray in cawska oo ahaa Jaad uu cunaayey aan afka u gelgeliyo hadalka ugu yaabka badnaa ee uu habeenkaas I dhahay wuxuu ahaa waan geerasheeynaa aniga maba garaneen waxa uu ula jeeday in aan fahmi karina isaga wuu ogaa intuu igu qoslay uu dhahay hadaadan garaneyn waa lagu baraa ee waad iska fahmi dontaa oo waad baranee
Aniga Jaadka waan la yaabanaa, waxaana is dhahay dadkaan waa reer baadiyeyaal waxey cunaayaan cawska sidii xoolihii, laakiin maba dareensaneyn in jaadka uu yahay wax lacag badan laga soo bixiyo oo suuqa lagu gado isla habeenkii ayaa waxaa ii bilaabatay noloshii ugu mugdiga badneyd oo aduunkaan uu ku soo maro qof bani’aadam ah lakin wax walba amar ilaaheey ayey ku dhacaane waan wajahay waayo ma lihi awood ka weyn in wixii sameey lay dhaho aan sameeyo Lasoco qebta kale ee qisadaan xili dhaw dhamaad
Xasan Wadani
Aduun.com
Qaahira’Masar
xasanraawi@hotmail.com
Short URL: http://aduun.com/?p=2590























K.k.k.k filim mad noga shekeynoysin aqyarta wax la.qabto mala.wayay shaqo la,an+been.com k.k.k.k
Allow ugargar maskintan
waa wax laga xumaado walaahi waana iga oysiisay sheekadaan waxaan leenahay wadankeena maxaa uu la hagaagi la yahay ileen cuqubo weyn ayaa la geystay arxan daranaa dadka waxaas ku dhaqma waan aaminsanahay in sheekadaan oo noocyo badan ay dhacday lkn ilaahey ha u naxariisto inta muslim ah dhibkana ha ka qaado aamin ya rabi