Muuqaalka Heeska Cusub ee Jaceyl & Jabkiis Codadkii Dalmar Yare & Fartuun Cumar (HD Video)
Fanka Soomaalidda oo maalmihii ugu danbeeyey Ka Bidhaamayay Waqooyiga Ameerika ayaa waxaa si Cajiib ah oo jiliin ku jirto Loosoo saaray Hees Loogu Magac Daray Jaceyl iyo Jabkiis.
Heeskan waxaa ku luuqeeynaya Fanaaniinta Dalmar Yare & Fartun Cumar iyagoo qaab jiliin ahna usameeyey Muuqaalka Heeska, Heestan oo ah mid Daadis ah ayaa Fanaanka Da’da yar ee Dalmar yare waxa uu qaab jiliin ah xariir wadaag la ahaa Fanaanada Fartuun Cumar iyadoo ugu Danbeeyna uu ka dal doorsaday.
Nasiib Wanaag waxa uu Mar qura Indhihiisa ku arkay Saaxiibtiis oo Gacanta Heysata Lamaanaheeda , Heeska inta ay socoto waxyaabaha Cajiibka ah eed ku arki karto waxaa kamid ah in Fanaanka Dalmar Yare uu Ubax usido Fartuun Cumar iyadana ay Jawaab ku filan siisay Tirina :
Adna Jabisay wacadkii ,
Anna Jaray Xariirkaagee
Kuuma jiir naxaayee ,
Midkaloo ijecel baa midigteyda joogee,
kuu joojin maayee Jaahaaga iga qari.
Ereyadaan Quruxda badan waxay ay Maankeeda kasoo maaxdeen Abwaanada ” Fahan Burco ” oo run ahaantii la dhihi karo waa abwaanad ka war heysa wacyiga Maanta jira kuna cabirtay Murtida Fanka.
Muuqaalka Heeska Jaceyl iyo Jabkiis ooy ishu jeclaanayso Markaad daawatid ayaa waxaa Sameeyey Somali Vip Studio ee Dalka Maraykanka oo uu Hogaanka u hayo Al-Ustaad Ahmed Ugaaska .
AbdulFatah SaBlale
Cape town , South Africa
info@aduun.com
Short URL: http://aduun.com/?p=7395










