Habeenka Aqal galka Ma’aha Kufsi ee Lamaantaada Ula Dhaqan Sidaan
Rag badan waa kuwa kuwa ku dhiban Habeenka aqal galka qaarkoodna ka cabsi qaba sideey ku dhaafi lahaayeen Habeenada Birta ah, Ogoow Wiiloow ma’aha habeenka Aqal galka mid Kufsi ah.
Inta badan waxaa dhacda in wiilku u dhaqmo sidii qof daahsan kana daahsan Shaqadiisa, Waxbarashadiisa, & Goobo waqti ku xiran Taasi oon kala jeedo inaadan u fahmin Habeenka aqal galka Sidii Cashiro ama Duruus kuu socotay oo habeenkaas ku dhaafay.
Wxaadse ogaataa in Habeenka aqal galka uusan aheen KUFSI eeyna kaa mudan tahay Lamaantaada inaad u Nasteexeysid dareen siisid amaan iyo Daganaan , Ha noqon mid Xawaare kusocdo , Ha noqon mid Hilmaama kalmada Macaan .
Lamaantaada Nolosha Cusub ka dhig midaad waqti badan uga sheekeysid Jaceylka aad u qabto iyo kii aad u qabtayba Guurkiina kahor , Usharax Quruxda uu Alle siiyey siiba tan kaa daboolneed waqtigii aad banaanka kala joogteen , Niyadeeda ka saar qal qalka iyo Wal walka.
Lasoco Qeybaha xiga ee Barnaamijka Dareenka Aduun.com waxaan hadba ku eegi doonaa Mowduuca ugu Xiisaha badan & Midka ay Akhristayaashu naga dalbadaan , Fadlan Asxaabta Copy Paste Naga ilaalsha Falalka xun xun eed ku kacdaan ee MAANGUURKA , Samee Xigasho : Aduun.com Mahadsanid.
Short URL: http://aduun.com/?p=8017









