facebook

DHAGAYSO : Qiso calool xumo badan & Qiyaanada Dumarka qurbaha.

amiraQiso dhawaan soo gaartay Xafiiska warqabadka Aduun.com ayaa noqotay tii ugu yaabka badneed sanadkaan iyo sanado horaba waxayna ka turjumeysaa Qiyaanada dumarku qaar ay ku sameeyaan ragga .

Maxamed Rooble waxa uu kamid yahay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhool Dalka Koonfur Afrika ( South Africa ) waxa uuna muruq maal ka ahaa Ganacsiyada Soomaalida ee ka dhex jira Magaalooyinka Dalkaas.

Maxamed oo ay soo foodsaartay qiyaano aad u xanuun badan ayaa nooga warbixiyey isagoo waraysi cod ahna siiyey mid kamid ah Warbaahinada Soomaalida oo aan soo xiganay.

Qiimo ahaan Bishii waxaa soo gali jirtay Lacag cadadkeedu dhamaa $300 Maadaama uu ahaa Xoog maal ee uusan wax ganacsi ah ku lahyn dalkani , Mudo Labo sano ah waxa uu ku jiray ( SHAQAALE ) lacagaha uu ka shaqeenayayna waxa uu badankeedu u dhigtay inuu mustaqbal ka sameesto.

Balse Nasiib wanaag Sanadkii 2011 ka waxa ay iska barteen aalada Facebook-ga gabar Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Sweden waxayna mudo kuwada hadleen Qeybta qoraalka isagoo Maxamed ka helay qaab dhismeedka sawirada la is weydaaarsaday inkasta oo uu san xaqiijin karin ineey iyada tahay sawiradaas.

Mudo laga joogo Sanad iyo bar barashadooda waxay kuwada heshiiyeen ineey gabadhani ugu timaad South Africa balse intaas kahor qanciyo reerkeeda kana soo doonto , Waxaa la baray wiil Lagu sheegay inuu yahay Adeerkeed gabadha arimo badan ayaa laga wada hadlay.

Waxaa la isku afgartay kadib markii uu Maxamed is celin waayay in gabadha Sooryo iyo Tick loosoo diro Lacago waaweyn ayaa la weydiiyey balse Tabartiisa iyo hantidiisa waxay ka badin weysay $2000 dollar si huleel ah ayuu xawaalada ugeeyey.

Maalmo kadib markii lagu hubsaday Lacagta jeebka gabadha ayeey damisay taleefankii ay kuwada xariiri jireen , isagoo sheekada dhalanteed moodaya ayuu adeerkii wacay see isaguna waa uu ka qaban waayay markale ayuu ka wacay Taleefan aan ahyn kiisa .

Markuu ka qabtay Taleefanka waxaa loogu jawaabay saaxiiboow Qorsho laguu dagay unbuu ahaaye Shanqarta imaqashii oo iga jooji wicitaankaan badan , Dhulkii ayaa la wareegay oo Gabadhii ayeey mudo kadib is maqleen

Maxaa kala dhex maray Gabadha iyo Wiilka … Hoos ka dhagayso Wiilka oo ka sheekeynaya qisadan soo martay iyo waxyaabaha uu goob jooga u ahaa.

CODKA WIILKA HOOS KA DHAGAYSO

Dhagayso cod

Fikirkaaga Hoos ku xus & Taladaada ku aadan Dhibanaha.

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Soomaaliya & Caalamka Kala Soco AduunNews.com ( RIIX HALKAAN ) Warar Cusub

Short URL: http://aduun.com/?p=8676

Posted by on Jan 28 2013. Filed under WARKA MAANTA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/9/7/1/aduun.com/httpd.www/wp-content/plugins/facebook-like-and-comment/comments.php on line 21

ADVERTISEMENT

Waqti iyo Facebook Short Filim South Africa

NAGALA SOCO FACEBOOK

XULKA.COM

Gabadh