facebook

Dumarka Wanaagsan iyo Qiimaha ay Ragga uleeyihiin.

xaas wanaagsanMagac dumar waa uun lawada wadaagaa hasa ahaatee dadnimada ayeey is dheeryihiin , Qiimo ahaan dumarku nolosha qeyb weyn ayeey Ragga uga jiraan oo aan marnaba la xaqiri karin.

Ragga waxaa loo abuuray Dumar si ay ugu raaxeestaan uguna nagaadaan , Alle wuxuu na faray guursada hadii aad awoodaan kuwaaasoo qeyb lixaad leh ay ka qaataan dumarka.

Hadaba Guurka kadib dumarka wanaagsan waxay ka qeyb qaataan dhiira galinta seygooda waa kuwa ka baabi’iya Murugada iyo waxa ay dadka yiraahdaan ( Istareeska -Stress ) .

Dib ubaar Taariikhda dadka wanaagsan iyo kuwa horumarka gaaray waxaa ka danbeeya xaas wanaagsan , Maah maahyo iyo murtida Soomaalida qaarkood waxay yiraahdaan ” Nin kaa xaas wanaagsan weligaa magaartid ” Taasoo ay macno ahaan laga wado inaadan gaari karin qof kaa xaas wanaagsan waxayna tilmaamaysaa xaaska wanaagsan iyo Qiimaha ay nolosha uleeyihiin.

Dunidaan aynu saaranahay ma jirto Raaliyo ilaa aad raali galiso mooyee , Ma jiro qof Baari ah ilaa aad adigu baari ka dhigatid , qof walbaa waa sida aad ula dhaqantaaa ee Dardaaranka ragga waxaan dhihi lahaa Baari unoqda Xaasaskiina waa kuwa albaabada Naxariista idinku soo dhaweeynayee.

Mohamed Keinan
Cape town , South Africa
sablale@hotmail.com

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Soomaaliya & Caalamka Kala Soco AduunNews.com ( RIIX HALKAAN ) Warar Cusub

Short URL: http://aduun.com/?p=8654

Posted by on Jan 28 2013. Filed under ila Tali, JACEYL, NOLOSHA, WARKA MAANTA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

ADVERTISEMENT

NAGALA SOCO FACEBOOK

ADVERTISEMENT