facebook

Fanka Soomaalida Maraykanka oo is qab qabsi kadhex taagan

Kadib markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed noqdeen kuwa qiimo beelo qurbahana wada daadsan waxaa sidoo kale Bara kac baahsan ku yimid Fankii Soomaaliyeed oo isaguna naf lacaar ku ah Wadama Caalamka gaar ahaan dalalka reer galbeedka.

Eheb sooc mudooyinkii ugu danbeeyey Lagu arkayay Fanka Soomaaliyeed oo dareen ku beertay shacabka Soomaaliyeed iyo Fanaaniinta lamidka ah kuwa isir naceebka keenay oo arimahaas ka hadlay.

Inkastoo aysan Saxaafadu si wanaagsan u hadal heynin fanka waqooyiga Ameerika ayaa arimo aysan ku farxin Fanaaniinta kale ee iyagu ku nool Dalkaasi lagu arkay.

Qabiilka iyo Qabyaalada waa tan qarankeenii Soomaaliyeed qurbaha kusoo quftay fankuna wuxuu ahaa midka la dhihi jiray qabiilka waa uu ka maranyahay inta badana Fanaaniinta iyo Abwaanada waxaa lagu amaani jiray ineey mideeysan yihiin marka Qabyaalad lasoo hadal qaado.

Maalmo kahor ayeey ahyd Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayey booqdeen Cariga Maraykanka si ay arimo dhowr ah uga hadlaan Dowlada maraykan sidoo kale shacabka iyo Jaaliyadaha Magaalada MN ee Maraykanka ayaa bandhig balaaran usameeyey Madaxweynaha.

Waxaana halkaasi lagu marti qaaday Fanaaniin dhowr ah si ay usoo bandhigaan Suugaantooda aadka loo jecelyahay inkastoo ay jireen Abwaan iyo Fanaaniin arinkii qabyaalad ka dhigay kana hor istaagay Masraxa ineey koraan Fanaan aanan Madaxweynaha isku cid ahyn.

Abwaan Maxamed Guun iyo Fanaaniinta Indho Deero ayaa taageero buuxda siiyey Fanaanka Iskalaaji oo ah kala geeyaha Fanaaniinta Soomaalida Ameerika oo inta badan fankiisa ku lara qabyaalada , Waxa ayna Asxaabtani lid ku noqdeen dhamaan fanaaniinta Soomaaliyeed ee guud ahaan ku nool Maraykanka.

Qaar kamid ah Fanaaniinta Marayknka oo aan xariir la sameeynay ayaa cabasho baahsan ka muujiyey qaababka ay u dhaqmayaan Abwaankani iyo Labadiisa fanaan oo inta badan isku baheestay Qabyaalada iyo qabiil ay soomaali kusoo gubatay.

fan qabiil ku dhaqmaya

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Soomaaliya & Caalamka Kala Soco AduunNews.com ( RIIX HALKAAN ) Warar Cusub

Short URL: http://aduun.com/?p=8672

Posted by on Jan 28 2013. Filed under FANKA, NOLOSHA, WARKA MAANTA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/9/7/1/aduun.com/httpd.www/wp-content/plugins/facebook-like-and-comment/comments.php on line 21

ADVERTISEMENT

Waqti iyo Facebook Short Filim South Africa

NAGALA SOCO FACEBOOK

XULKA.COM

Gabadh