facebook

Filsan Alla Sidaan miyuu iigalay Qiso Murugo Badan

Qiso Cajiib ahInta badan waxaa soo gaara Boga warqabadka ee Aduun.com Dhacdooyin layaab leh kuwaasoo laga dhaxlo Waaya aragnimo & Feejignaan , hadaba Filan oo inooga sheekeysay dhacdo xanuun badan oo nolosheeda soo wajahday ayaa hadalkeeda ku bilaawday sidaan.

Magaceygu waa Filsan waxaan ku noolahay Imaaraadka Carabta ee Magaalada Dubia waxaan jecleestay inaan soo bandhigo dhacdaan aniga igu dhacday si aysan Gabar Soomaaliyeed ugu dhicin markale .

Waqti aan ku noolaa Magaalada Nairobi ee dalka kenya ayaan xariir bilaaw noqonay Wiil soomaaliyeed oo magaciisa aan kusoo koobayo Axmed Sharaf waxaana ugu danbeyn alle qadaray inaan dareemo jaceyl aan isaga u qabo ,

Mudo dheer oo aan wada soconay aniga iyo Axmed waxaan wada qaadanay waqtiyo xasuus leh waxaan ahyn dad lagu xanto inaan si qarsoodi ah umideysanahay waa qodba siree ,

Weligeey kuma aan fakarin waxaa ku qiyaami doono Axmed Sharaf balse ugu danbeyn waxaa dhacday inaan u anba baxo Dalka Imaarqaadka carabta oo aan howlo shaqo utagay , Qoyskeeyga ayaa ila door biday inaan ganacsiga ku biiro sifiican ayaan u fahmay sida loo ganacsado.

Intaasna waxaan wada xariiri jirnay Wiilka isagoo Jooga Magaalada Mombasa , waxaan rabay inaan Ganacsigeyga ka dhigo mid udhaxeeya Kenya & Imaaraadka , Wiilka ayaa maalin iasoo wacay isagoo iigu hambalyeenaayo inuu shaqo ka helay Shirkad ka shaqeysa Dakada Mombasa una qaabilsan Soo banaan bixinta alaabaha dibada ka yimaad.

Dhowr bil kadib waxaan is dhahay isla wada shaqeysta adiga & Axmed sharaf oo waxaan soo diray Dalab aan cadadkiisa kusoo koobayo $36.000. Sodon iyo lex kun isagaan ku aaminay si uu iigu banaan baxsho marnaba xumaan kama filaneen waxaan aaminsanaa inaan nafteyda oo ka qaalisan hantidaan ku aaminay .

Balse Bini adamku ma’ahan mid dhamaantood lawada aamini karo , lacagtii & Lamaankeeygii waxaa iigu danbeeysay markii ay gacantiisa gashay waqti ayaan ku baxshay sidii aan dib ugu heli lahaa isaga oo kaliyah , Balse waxaan in badan ka shalaayay ogaadana ineey lacagtu tahay wax kala geyn karta Lamaanaha is jecel nuuc walbo oo eey ukala wado.

Wiilal & Gabdhaha waxaa muhiimsan inaadan Lamaankaaga nolosha mooyee hadaf kale aadnaan kawada hadlin kahor midoowgiina hadii kale waxaa dhici kara sideeyda oo kale ineey idin qabsato Mahadsanidiin.

Qamar Wacan
Oslo Norwey
info@aduun.com

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Soomaaliya & Caalamka Kala Soco AduunNews.com ( RIIX HALKAAN ) Warar Cusub

Short URL: http://aduun.com/?p=7122

Posted by on Jan 5 2013. Filed under NOLOSHA, WARKA MAANTA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/9/7/1/aduun.com/httpd.www/wp-content/plugins/facebook-like-and-comment/comments.php on line 21

ADVERTISEMENT

Waqti iyo Facebook Short Filim South Africa

NAGALA SOCO FACEBOOK

XULKA.COM

Gabadh