Nin xaaskiisa dilay kadibna is dilay isaga ( QISO DHAWAAN DHACDAY )
Ma’ahan markii ugu horeesay ee dhacdooyinka layaabka lehi ka dhex dhacaan Qooysaska Afrikaanka ah , hadaba Dhacdo ay dad badani la yaabeen ayaa ka dhex dhacday Gudaha dal kamid ah qaarada Afrika.
Nin Koofur Afrikaan ah oo ku nool gobolka Eastern cape ayaa madaxa ka toogtay Xaaskiisa kadib markii uu muran xoogani dhax maray.
Niinkaan ayaa gabadhaan u dhaxi jirtay ku toogtay afaafka hore ee guriga ay ka daganaayeen deegaanka Elizweni oo gobolka mashaqada badan ee Eastren cape ka tirsan.
Mzukisi Fatyela oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Koofur Afrika ee gobolkaa ka howl gala ayaa sheegay in ninkaani uu qudhiisu is dilay markii uu hubsaday in uu ka takhalusay Afadiisii.
Sarkaalkaan ayaa intaa raaciyay in ay goobta dhacdada ka heleen Bistoolad iyo laba qolof oo gumucii uu ka baxay.
Lama oga sababta dhalisay dilka waxaasa la tilmaamayaa in haweeneyda la dilay ay aheyd 25 jir halka saygeeduna uu ka weynaa 3 sano oo kaliya.
Xigasho : HILINKA.COM
C/Risaaq Cumar Axmed ( Siiriya
Short URL: http://aduun.com/?p=8655







