Walaaltinimadu Ma Dhigtaa Sidan……..Qiso Xanuun Badan
Magaaladu Waa Muqdisho mid ka mid ah degmooyinkeeda…………….waxaa ku nool Cali deeq waa dhalinyaro soo hanaqaaday oo waqtigiisa ku qaatay kaftan dhalinyaro iyo kubad Amase Banooni waana mid ku fircoon ciyaarista banooniga waa weerar 7-ah.
Shukri iyo Cali deeq ayaa maalin ku kulmay balan ay lahayeen saaxiibadooda oo ku dhowaad jaceyl wadaag ahaa intii ay soo garaadsadeen sidaas ayaa ku dhexmaray is faham ka sokeeya kii isbar garashada in ay wada degenaayeen xaafad qura.
Waxaa fogaatay kulanka, sheekada iyo kaftanka ay wadagaan laba qof caadi ah lknse si lama filaan ah waxaa loo dhuuntay cali deeq oo jaceyl qaro weyn ayaa qalbigiisa ka dhistay daaro cidlo oo ay wehliyaan dabeylo duufaano wata, in mudo ah ayuu sidaa ku sugnaa cali deeq balse kama danbeys waxa uu go’aansaday in uu shukri hor dhigo jaceylka ku laba lixaadsaday ma sii daahin cali deeq waxa uu afka saaray shukri oo uu doonaayay inuu u bandhigo waxa uu beryahan la dersay.
Natiijada dhex martay waxa ay noqotay shukri in wax jaceyl aysan u heyn, Cali-se waa u Cuntami weysay arrinkaas , Mudo kadib waxaa Gaabsi Noqday kulankoodii oo shukri ayaa ka biyo diiday, waxaa halkaa ka dhashay wadadii qodxaha laheyd oo cali Deeq wadno qabadka ku noqotay Xaalka ayaa Isku Sii Shareeray Lknse Gabadhii marna uma Diir Nixin oo Hadalkeeda ayaa kaliya dhaafin weysay Waxaa Dhexdeena yaal waa walaaltinimo kii uu aabahay dhalay ayaan kula meel dhigay mana garanaayo qaabka aan kula wadaagi karo jaceylka.
Yuusuf Carab
Aduun.com
Galkacayo, Somalia
carabtaglk@gmail.com
Short URL: http://aduun.com/?p=3160









